Dhaleecayn caado maangaab ah

Waxaan ku dadaalnaa in waxqabadkeena dhammaantii aan ku saleyno dhaleeceyn caadooyinka maangaabka ah. Taa micnaheedu waxay tahay inaan ka hor tagno caadooyinka bulshada ka jira ee keena in dadka loo kala qobqobo kuwo "caadi ah" iyo kuwo "aan caadi ahayn". Waxaan aragnaa in caado iyo awood ay yihiin wax isku xiran. Si wax looga qabto xaaladaha ay ku sugan yihiin dhallinyarada hbt, curyaanada, qaxootiga iyo dadka kale ee cadaadiska ku nool waa inaan ka gilgilanaa caadoyin badan oo qaldan oo ay bulshadu ku tiirsan tahay. Taana waxaan ku gaari karnaa innagoo shaqadeena ku saleyno dhaleecayn caado xun.

Qeyb weyn oo misna ka mid ah shaqadeena waa wacyigelin ku saabsan galmo amnigeedu sugan yahay. Markaan taa sameyneynana kama kacno in galmada ka dhexeysa dad kala jinsi ah ay ka saxsan tahay galmo kale. Galmadu way noqon kartaa wax raaxo leh, haddaad garaneyso sidaad isaga difaacdo cudurrada galmada ku faafa, ka sii wanaagsan. Innagoo taa ka cabir qaadaneyna ayeynu dhallinyarada aan wax barno u deynaa inay iskood uga salgaaraan jinsigooda iyo galmada qolada ay ugu baxeyso, si aysan uga xishoon jirkooda ama doorashada ah inaysan sameynin wax galmo ah ama ay sameeyaan galmo tiro yar ama mid farobadan.